25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: 83 Sano jir xiligan billaabay barashada qur’aanka kariimka, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeisa (Caasimada Online) In wax la bartaa kuma xirna Da’da Qofka ,hayeeshee waxay ku xiiran tahay qaabka Qofka tacliinta raadinaya uu u wajaho , isla markaana uu ugu dadaalo, dulqaadna uu ugu sameeyo .

Arintaas waxaa marqaati ka ah Xasan Cismaaciil Maxamed  oo ah Oday Da’ah balse xilligan baranaya Qur’aanka Kariimka kadib  markii sida uu sheegay Caruurnimadiisi uusan ka faa’iideysan.

Da’diisu wuxuu ku sheegay 83 Sano  waxaana iminka uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii uu uga guul gaari lahaa barashada Qur’aanka Kariimka iyo culmta islaamka sida uu shaaca ka qaaday .

Xasan Cusmaan ayaa ku nool magaalada Hargeysa waxaana wax uu ka bartaa dugsi Qur’aan Jiingad kasameysan oo halkaasi ku yaala, waxaana ay wax isla bartaan Arday aad u da’yar kuwaas oo la iigu sheegay inay Da’doodu u dhxeyso 4 sano jir ilaa 15 Sano jir.

Xasan wuxuu sheegay inyy Faa’iidey wax badan tan iyo markii uu bilaabay barashad Qur’aanka Kariimka oo uu sheegay in markii hore si Aqris ah uun uu ku baran jirat balse iminka uu loox ku qurto isla markaana wax badan uu iska dareemay .

Isagoo warbaahinta lahadyaya ayuu sheegay in markii hore xitaa bilowga qur’aanka uu dhib ku ahaa balse iminka uu yahay mid waxbadan fahmay imbadana Qur’aanka ka garanaya taasna uu ilaah uga mahad celinayo .

Arintan ayaa Tusaale waxay u noqoneysaa inaab laga waayeeloobin waxbarashada balse ay ku qiran yahay Qof waliba iyo dadaalkiisa  iyo waliba sida uu uwajaho Culeesaadka noloshiisa .

Halkaan ka dhageyso Warbixin ku aadan arintan

warbixin dugsi qur’aan

Caasimada online

Xafiiska Hargaisa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News