Beesha Daguuro oo eedeysay Wasiiru dowlaha arrimaha dibeda DF Somalia

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay ka soo galeen qeybaha kala duwan ee Beesha Daguuro sida waxgarad, aqoonyahano dhalinyaro iyo qaar kale, waxaana kulankaas looga soo horjeeday wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia Maxamed Nuur Gacal.

Beesha Daguuro oo ka mid ah beelaha Murusade ayaa kulankooda waxay maanta diirada ku saareen cadaalad daro ay ka tirsanayaan wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia oo ay ku eedeeyeen inuu fara gelin iyo khas ka dhex wado maamulka degmada Dayniile.

Waxaa kulankaas ka hadlay waxgarad kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen, Saciid Mire Maxamed, Xasan Raage Koojaan, C/llaahi Casir Kulmiye, Maxamed Joodax Cali iyo qaar kale.

Waxgaradkan ayaa waxay sheegeen in beesha ay metelaan ee Daguuro ay tirsaneyso cadaalad daro ka dib markii la duudsiiyey xilka xoghayaha maamulka degmada Dayniile oo ay iyagu xaq u lahaayeen taasoo la siiyey bay yiraahdeen beel kale.

Odayaasha ka hadlay kulanka ayaa sheegay in arintaas uu ka dambeeyo wasiiru dowlaha arrimaha dibeda Somalia Maxamed Nuur Gacal oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey xubintii beesha Daguuro in loo magacaabo qof beeshiisa ka tirsan isagoo adeegsanaya awooda xilka dowladnimo ee uu hayo.

Qaar ka mid ah odayaashan ayaa sheegay in beesha wasiiru dowlaha ay horey u qaadatay xubnaha kale ee maamulka degmada Dayniile ayna ku darsatay xubintii ay laheyd beesha Daguuro, iyagoo isweydiiyey waxaa wasiirka faraha u geliyey maamul sameynta degmada dayniile maadaama arintaas ay shaqo ku leeyihiin wasaarada arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banadair.

“Arintan cadaalad darada ah ee uu sameeyey Maxamed Nuur Gacal waa mid cadaalad daro ah oo la doonayo in la isaga horkeeno dagaal iyo fitno aan loo baahneyna looga dhex abuuro beelaha Murusade” ayuu yiri Saciid Mire Maxamed oo ka mid ahasa waxgaradkii ka hadlay kulankaas oo ka codsaday dowlada Somalia iney soo fara geliso waxna ka qabato cadaalad darada beeshooda lagu sameeyey.