25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XOG: Hey’adda sirdoonka somalia oo saraakiil hor leh kala baxday saldhig ku yaalla magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa caawa sii deysay war ku saabsan in hey’adda nabad-sugida Soomaaliya ay maanta soo xirtay saraakiil iyo askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa ka mid ah nin magaciisa lagu soo gaabiyay Timacadde, wuxuuna ka mid ah kal-kaliyaasha caafimaadka ee Xabsiga dhexe.

Sidoo kale, waxa ay hey’adda nabad-sugida soo xirtay Kabtan ka tirsan ciidanka asluubta, sida ay sheegtay Idaacadda saraakiishan ayaa lagu eedeeyay sii deenta nin maxbuus ahaa oo lagu eedeeyay in uu dili rabayabaanduulihii ciidanka millitariga Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhagga-badan).

Ninkan ayaa la sheegay in si dhuumaaleysi ah looga sii daayay xabsiga dhexe, waxaana la sheegay in sii deentiisa ay door ku lahaayeen saraakiil ciidan oo la siiyay lacago laaluush ah.

Waxaa horey ay hey’adda nabad-sugida u soo xirtay taliyihii ciidamada asluubta iyo lix askari oo kale, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay door ku lahaayeen siideenta ninka oo ku xukunaa dil.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News