Fadeexad ka dhalatay socdaalkii R/W Saacid oo gilgishay Jaaliyadda Z/Land

Waxaa dhowaan booqasho ku tegay magaalada  Geneva ee waddanka Zwitzeland wafdi uu hogaaminayey R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano & diblumaasiyiin, waxaana ujeedka socdaalka wafdigu ahaa,  ka qeybgalka shir caalami ah oo looga hadlayey daryeelka xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalooyinka waddankaasi, ayaa si weyn isugu diyaariyey in ay soo dhoweyn u sameeyeen wafdiga R/wasaaraha, marka uu dhammeysto shirka Geneve, hasse ahaatee waxaa qorshahaasi hor istaag ku sameeyey  Yuusuf Ismaaciil oo loo yaqaan (Yuusuf Bari Bari), oo horay uga tirsanaa Afhayeenadii Cabdullaahi Yuusuf, kuna magacownaa xilka Ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Cabdullaahi Cali Faarax oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida, oo shalay saxaafadda la hadlayey ayaa sharaxay sida ay isu seegeen wafdiga R/wasaaraha  & Jaaliyadda, waxaana uu xusay in Yuusuf Bari-Bari ku guuleystay qorshihii uu ku taamayey ee ahaa in aaney is arag oo   wax kulamo ah  yeelan Jaaliyada & R/wasaaraha, in ay sidaa wax u dhacaanna wuxuu eedeeda dusha ka saaray Jaaliyadda oo aan ka dhiidhiinin hab dhaqanka qabyaaladeed ee Yuusuf bari-bari iyo R/wasaaraha oo fududeystay in uu arrinta wax ka qabto inta ay goori-goor tahay.

“Intii aanu wafdigu imaan Magaalada Geneva, waxa ay Jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi degan  shir la qaateen Yuusuf baribari oo uu la soo xiriiray Axmed Cali oo horay uga tirsanaa Jaaliyadda Zwitzerland, haatanna u qaabilsan  Xafiiska R/wasaaraha (Protocol-ka). Bari-bari  wuxuu ka aqbalay in R/wasaaraha aan loo kala harin soo dhoweyntiisa, annagu markii aan u tagnayna si toos ah oo aan leexleexad laheyn ayuu inoogu yiri  aniga shaqo kuma lihi haddii soo dhoweyn loo sameynayo R/wasaaraha, Jaaliyaddu waxey isu xilsaareen in ay is abaabusho, kadibna wuxuu isbaaro dhigtay hoteeladii” ayuu yiri Cabdulaahi Cali Faarax wuxuuna intaa ku daray in wafdiga R/wasaaraha uu ka soo hormaray Cali yare oo Xafiiska Raysul wasaaraha u qaabilsan abaabulka & kicinta, markii uu howshiisa guda galayna uu dareemay in Yuusuf bari-bari uu xagal-daacin ku sameynayo qorshaha is araaga Jaaliyadda & R/wasaaraha.

“Baribari wuxuu adeejiyey  2 nin oo ay qaraabo yihiin oo u soo diray dhammaan hoteeladii uu is lahaa Jaaliyadu waxey ka kireysan karaan hool ay R/wasaaruhu ku qaabilaan, waxeyna ku yiraahdeen milkiilayaashii hoteelada waad ogtihiin balaayada maalmahan Nairobi  (Westgate mall)  ka socota, R/wasaaruhu na waa nin (target) ah in cadow na soo weeraro ayaa dhici karta, marka waa in aydnaan hoteeladiina ka kireyn R/wasaaraha,  hoteeladii ayuu uga dhigay R/wasaaraha nin  la raadsanaayo, waxaana ay rumeysteen beentiisa” ayuu yiri Cabdulaahi,  wuxuuna intaa ku daray in xittaa Raysul wasaaraha & Madaxweynuhu ay ka wadahadleen dibin-daabyada uu maleegayo Barbari, ayna isku afgarteen in Jaaliyadda Soomaalida laga hor-wareejiyo.

`Halkan safiir ma joogo, Yuusuf Baribari wuxuu ahaa ergay,  R/wasaaraha bacdamaa ay aheyd safarkiisii ugu horreeyey ee Yurub uu ku yimid, runtii ahmiyaddii ay laheyd inuu siiyo safarkan weliba dhinaca la kulanka Jaaliyadaha Soomaalida, mana aanu siin, waxaan dhihi karaa wuu fududeystay, laakiin wuu jaclaa inuu la kulmo“ ayuu yiri Cabdullaahi, wuxuuna xusay in barbari ku haboon yahay inuu xil u qabto Puntland ee aanu ku habooneyn xil Qaran,  maadaama hab-dhaqanka ay ka arkayaan Jaaliyadu ay tahay hab dhaqan beeleed.

“Bari-bari sow ma ahan ninkii 2002-dii xilligii uu Cabdullaahi Yuusuf madaxda ka ahaa Puntland dhalinyaro tahriibiyaal ah Gaalkacyo inta ku qabtay, madaxana ka xiiray  taleefishin Talyaani ah ku yiri waa argagixiso, arrinta kale ee Soomaalidu in ay ku baraarugto loo baahan yahay waxey tahay waxaa jirta oo caddeynteedana la hayaa  isagoo ka soo dhexmuuqday xilligii 1991-dii dagaaladii sokeeye bari-bari  oo    dad meyd ah ku kor taagan, ninkaas maxaan ka filan karaa.? isagii ayaa la yiri maanta dowladda Soomaaliy ayuu wakiil uga yahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, qofkii ummadda in lag qabto ay aheyd ayaa la yiri halkii lagu dacweyn lahaa isaga madax ha looga dhigo”  ayuu yiri Cabdullaahi wuxuuna intaa ku daray;

“Yaan lala yaabin ninkaan waa la yaqaan qofka uu yahay, haddii aaney Jaaliyaddu meel uga soo wada jeesan waxaas iyo wax ka liita ayaa laga filan karaa”

Cabdulaahi wuxuu sheegay in sida keliya ee ay wax uga qaban karaan Jaaliyadu in ay tahay in iyaga oo mideysan dareenkooda ku muujiyaan in aaney dooneyn, sababtuna ay tahay in aanu Soomaali wakiil u aheyn ee uu wakiil u yahay beeshiisa.

W/Q: Sucaado Cali Jaabiri Geneva Switzerland

E-mail: sucdijbr22@hotmail.com