Ilaalada Hormuud oo qof rayid ah ku toogtay xaafadda Sanco

Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya isgoyska sanca ee degmada KAARAAN ayaa sheegaya in ilaalada shirkada isgaarsiinta Hormuud ay halkaasi ku dileen ay sheegeen inuu doonayay inuu si qasab ah gudaha ugu galo.

Mid ka mid ah ilaalada Shirkada oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ruuxa ay dileen uu lebisnaa dhar cadi ah isla-markaana uu watay qoray taas oo sida uu sheegay shaki xoogan ku abuurtay , waxaana uu tilmaamay inuu doonayay inuu gudaha u gudbo .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay ku amren in qoriga uu reebo hadii uu doonayo inuu gudaha u tilabo balse uu ka dhago adeegay waxaana uu shaaciyay inuu hanjabaad u jeediyay sida uu shaaca ka qaaday .

“ Waxaanu ku dhahnay iska reeb qoriga hadii aad gudaha dooneyso balse wuxuu noogu jawaabay waan idin qaan adinkoo kale Caloosha ayaad u weyntihiin laakiin waan idiin gaabinayaan kadibna wuxuu isku dayay qasab inuu ku gudbo sidaas ayayna ku dhacday in halkaas lagu dilo” ayuu yiri ruuxan shirkaa u hadlay .

Waa markii ugu horeysay oo dhacdo nuucani ah ay ka dhaco muqdisho ,waxaana jira nag badan oo aan wadan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya oo xiliyada qaar iyagoo hubeyan dhex mushaaxaya magaalada .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com