25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Khilaaf soo shaac baxay oo u muuqda inuu hakin doono maamulkii….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa beeniyay in wafdi shaley gaaray magaalada Baladweyne oo uu hoggaaminaayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudahaay u tageen halkaas siddii ay u badali lahaayeen maamulka hadda ka dhisan gobalkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka arrimaha bulshadda ee maamulka gobalka Hiiraan ayaa qiray in maamulkooda uu waqtiga ka dhammaaday, balse wafdiga shaley soo gaaray Baladweyne aysan u socon siddii loo badali lahaa maamulka kumeel gaarka.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in wafdiga oo ay ku jiraan xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Hiiraan ay kala hadleen siddii dadka reer Hiiraan ay u soo dooran lahaayeen maamul loo dhan yahay.

“Wafdiga waan la kulanay waxaana u soo bandhignay waxyaabaha noo qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo wax yaabaha aan noo hirgalin, waxaana u sheegnay sababta, marka waxa ay noo sheegeen in magaalada ay u yimaadeen siddii ay wadatashiyo ula qaadan lahaayeen odayaasha, siyaasiyiinta iyo wax-garadka ku dhaqan gobalka Hiiraan” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobalka Hiiraan.

Wuu sii hadlay “Waxa ay noo sheegeen in wixii hadda ka dambeeya maamul aan laga soo dhisi doonin magaalada Muqdisho, madaxweynaha Soomaaliya markii uu halkan imaanayay wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan digreerto maamul aan laga soo diri doonin Muqdisho ee dadka gobalka Hiiraan ay dooran doonaan maamulka ay doonayaan” ayuu yiri markale Xuseen Cismaan Ciise guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshadda.

Isku soo duub, wafdigan ayaa markii ay shaley gaareen magaalada Baladweyne waxa ay kulamo la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana ay sii joogi doonaan magaalada dhowr cisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News