25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa Hiba Nuura mustaqbalka dalka Somalia uga muuqda? (Wareysi)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Heesaa iyo mu’allifad Hiba Maxamed Huddon, oo ku magac-dheer Hiba Nuura, ayaa Soomaaliya ku soo noqotay bishii hore kadib maqnaan jiitantey wax ka badan labaatameeyo sano.

Dhammaadkii 1980-tameeyadii, Hiba waxa ay qayb ka ahayd Waaberi, oo ahayd koox Soomaali ah oo caan ku ahaa bandhigyadii ay ka sameeyn jireen Tiyaatarka Qaranka Muqdisho iyo sidoo kale heesihii iyo riwaayadihii waddaniga ahaa ee khaaska u ahaa.

Dhammaadkii sannadkii 1990-kii, ayay Hiba u dhooftay dibadda iyada oo markaa wali dalka ka maqnayd bishii January ee sannadkii xigay markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya, taasoo Waaberi ku khasabtay in ay koox ahaan u burburto xubneheediina ay ka carareen dalka.

Hiba, oo hadda ku jirta sannadkeedii 60-dameeyada, ayaa Muqdisho ku soo noqotay 10-kii September iyada oo ka timid Germany, halkaa oo ay u guurtay dagaalladii kadib.

Waxa ay bixisay ay uga hadasho booqashadeeda isla markaana dadka ula qaybsato dareenkeeda ku saabsan Soomaaliya iyo rajadeeda mustaqbalka.

Su’aal: Maxaad dareentay markii aad aragtay Muqdisho?

Hiba Nuura: Dareenkayga ma qiyaasi karo, maxaa yeelay Muqdisho waxaan ka tagay iyadoo qurux badan, maantana waad u jeedaan sida ay tahay.

Haddii sideedii ay ku socon laheyd, Yurub oo kale ayay noqon laheeyd. Haseyeeshee Ilaahay ma qaddarin. Muqdisho inay burburto ayaa u qorneeyd, waxaase iminka jirta astaamo wanaagsan oo ah inay magalaadu sideedii ku soo laaban doonto.

Su’aal: Markii aad aragtay goobihii aad ka heesi jirtay sida Tiyaatarka Qaranka, hoteeladii Jubba iyo Curubba, iyo meelaha kale oo hadda burbursan, sideed noqotay?

Hiba: Aad ayaan u beddelmay markii aan arkay burburkan ka muuqda dhismayaashii caanka ahaa, balse waxaan isku qanciyay goobo kale oo badan ayaa la dhisay [dhawaan], sida dhismooyin dhaadheer iyo waddooyinka hadda la dhisayo.

Marka [magalaada] dhib waa ka dhacay waxaase ku iloowbayaa waxaa soo socoda ee wanaagga ah.

Su’aal:  Waa maxay qorshahaaga aad halkan u joogto?

Hiba: Waxaa ii qorsheysan in aan sameeyo heeso badan oo ummadda Soomaaliyeed loogu buraarujinaayo sidii ay horumar u sameyn lahaayeen, isla markaana aan u soo bandhigo, haddii Alle yiraahdo.

Su’aal: Tan iyo intii aad Muqdisho ku soo noqtay laba jeer ayaad bandhig sameeysay, laakiin dadka Muqdisho waxay kaa sugayaan bandhigyo dheeraad ah. Maxaad u haystaa dadkaa fankaaga jecel?

Hiba: Waxan doonayaa in aan bandhigyo badan sameeyo inta aan joogo Muqdisho. Waxaa soo socda bandhig faneed cusub toddobaad gudihii, sida qorshuhu yahay, oo aan doonaayo in dadka Soomaaliyeed aan u soo bandhigo heeso lagu dhiirri-gelinaayo horumarka dalka.

Su’aal:  Heesaha aad qaadi doonto ma kuwo cusub baa mise waa heesahaagii hore?

Hiba: Kuwo cusub iyo kuwii hore ayay isugu jiri doonaan hees, iyada oo sidoo kale ay igala qeybgali doonaan bandhig faneedyadaasi fanaaniinta kale ee Muqdisho ku nool.

Su’aal:  Yaa kaa caawinaya qabanqaabada baranaamijyadan?

Hiba: Aniga waxaa Muqdisho igu martiqaaday maamulka Gobolka Banaadir ayagaana gacan igu siiya wax kasta oo aan sameeynayo. Waxaana si gaar ah ugu mahadcelinaayo duqa magaalada Muqdisho oo sabab u ahaa in aan Muqdisho imaado.

Su’aal: Kaalin caynkee ah ayuu fanku ka qaadan karaa dib u dhiska Soomaaliya?

Hiba: Fanka sida la ogyahay waa uu ballaaranyahay waana wax dadka kicin og.

Xaaladda Soomaaliya waqtigan la joogo fanka kaalin muhiim ah ayuu ka qaadan karaa in dalku horukac uu sameeyo. Haddii dadka maalin kasta looga sheekeeyo arrimaha hormarka leh isla markaana qalabka warbaahinta loo mariyo farriimo dhiirri-gelinaayo hormarka dalka, dadka niyaddooda ayaa dhismaysa si wanaagsana waa ay u fekerayaan

Su’aal:  Maxaad ugu baaqi lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ee aaminsan in aan Soomaaliya lagu soo noqon karin?

Hiba: Umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaan u sheegayaa in dalka uu iminka yahay ammaan, inta ka dhimanna waxaa loo baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo. Dalka dib-u-dhis ayuu u baahanyahay muddo 20 sano ah ayaan dib u dhacnay.

Waxaa wareysigan qaaday Sabahi

- Advertisement -

Read more

Local News