Beydhabo (Caasimada online) Qaar ka mid ah Odayaash iyo Waxgaradka ka soo jeeda beelaah Digil iyo Milif oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxay shaaciyeen waqtiga rasmiga ah ee Baydhabo laga sugayo Ergada soo dhiseynsa maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Kulanka odayaasho oo ka dhacay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo, ayaa waxay ku go’aamiyeen in muddo 15 cesho gudohood ah ay ku yimaadaan magaalada Beydhabo Ergada wax kasoo dhiseysa maamulka qorshihiisa uu Baydhabo ka socda.
Malaaq Cali Shiine , oo ka mid ah qaban qaaabiyaasha Hirgalinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan odayaasha dega gobolada maamulka Koonfur Galbeed laga hirgalinayo gaar ahaan kuwa dega Jubbooyinka iyo Gedo iinay 15 cesho gudohood Baydhabo ku yimaadaan .
Wuxuu sheegay in 20-ka bishan ay tahay waqtiga ugu dambeya ee laga doonayo guud ahaan Ergada ka kala socota Lixda gobol ee la doonayo in maamulka Koonfur Galbeed laga hirgaliyo inay Beydhabo kusoo gaaaraan .
Odayaashu waxay sheegeen inay diyaariyeen halkii ay Ergadu degi lahaayeen iyo wixii ay ku noolaan lahaayeen inta ay joogaan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, inkastoo aaney shaacin cida ka gacan siineysa.
Dhanka kale Waxgarad kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha hoose ayaa si adag kaga soo horjeestay qaabka uu usocdo shirka maamul usameynta Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya oo hada Baydhabo ka socda.
Qaar kamid ah waxgaradka waxa ay sheegeen in shirka Baydhabo kasocda aan loo dhameyn, sidaasi awgeedna ay kasoo horjeedaan qorshaha ku aadan sameynta maamulka Koonfurta dalka Soomaaliya.
Si kasto baydhabo waxaa ka soconaya maamul la doonayo in laga hir galiyo gobolada Koonfur Galbeed Somalia inkastoo ay jiraan dad siyaasad ahaan mucaaradsan maamulkaasi qorshihiisa Beydhabo uu ka socdo , waxana gobolada maamulkaas loo sameynao ka mid ah gobolada maamulka Jubba uu a arimya.
Caasimada online
Xafiiska Beydhabo

