Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasna Sheekh Maxamuud, ayaa maalinta Jimcaha u amba baxaya dalka Ethiopia, halkaasi oo magaalada Addis-Ababa uu kaga qeyb gali doono shir muhiim ah, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Shirkan ayaa wxaaa abaabulkiisa leh dowladda Kenya, oo isku keeneysa madaxda qaaradda Africa, si ay garab uga hesho diidmadeeda ku aadan maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court).
Kenya, ayaa dhowaan isaga baxday ka mid ahaanshaheeda maxkamadda, xilii magaalada Hague ee xarunta ICC, lagu maxkamadeynayao madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto, sidoo kalena laga wacay madaxweyne Uhurru Kenyatta.
Qorshaha Kenya, ayaa ah inay madax Africa taageero ka hesho si dhammaan xubnaha ururka Midowga Africa ay uga soo horjeestaan maxkamaddaas, taasi oo Kenya ku caawin karta inay wiiqdo sharic ahaanshaheeda.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah madaxda ay dowladda Kenya weydiisan doonto caawimaad, si ay uga baxaan ICC.
Waxaa sida aan xogta ku helnay in ay halkaas isku arki doonaan madaxweyne Xasan iyo Kenyatta, xilli ay dhowana jireen warar sheegaya inuu jiro khilaaf labada dhinaca ah.
Shirkan ayaa dhacaya maalmaha sabtida iyo axadda, sida ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha ay inoo xaqiijiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

