Makkah (Caasimada Online) Malaayin qof oo muslimiin ah ayaa maanta taagan buurta carrafo iyagoona gudana mid ka mid ah waajibaadka xajka.
Xajka oo ah rukniga shannaad ee Islaamka, waxa la sheegayaa in sannadkan ay ka yar yihiin tirada xujeyda tagi jirtay dalka Saudi Arabia, sababtana waxa weeye iyadoo lagu wado dhismooyin goobaha xajka ee halkaas ku yalla, maadama ay soo bateen dadka ku dhinta ama ku dhaawacma ee gudanaya waajibaadka xajka.
Dadka ku sugan buurta carrafo waxaa ka mid ah xujeey Soomaali ah, waxaana la sheegayaa in si fiican ay uga qaybqaadanayaan waajibkaadka xajka.
Ma jirto ilaa hadda wax dhimasho ah oo laga soo wariyay goobaha ay booqanayaan xujeyda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka.
Dowladda Saudi Arabia ayaa ballaarisay adeega caafimaad ay u baahan yihiin xujeyda gudaneysa waajibaadka xajka, waxaana jira diyaarado helicopters oo dul xognaya goobaha ay booqanayaan xujeyda.
Wariye ku sugan xajka oo soo hadlay wuxuu lee yahay xujeyda ka imaaneysa Somaliland waxa ay heestaan culimo wacdiya oo barraya goobaha la booqdo sida loo guto xajka, balse kuwa ka imaanaya Soomaaliya ma heestaan culimo iyo dad hagga.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Jeddah