31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

XOG: Saacid iyo Xasan oo isku mari la’ qorshe jiitamayey 3 bilood (Khilaaf)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowladda Somalia ayaa waxaa soo kala dhex galay Khilaaf xoogan oo dhinaca siyaasada, kaasi oo ku saabsan isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiirada DF, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu kasoo horjeestay liis uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon, kaasoo uu ku saabsan habka isbedelka loogu sameynayo golaha Wasiirada.

“Madaxweynuhu wuxuu diiday xubno ku jira golaha Wasiirada, isagoo ku wargeliyay Ra’iisul Wasaaraha inuu kusoo daro liiskiisa xubno uu isagu wato, taasoo keentay muranka xoogiisa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira xogta uu bixiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa doodaya in xubno ka tirsan Wasiirada hada shaqeynaya laga eryo Shaqada, kuwaasoo ay ku jirto wasiirada Arimaha dibada Fowsiya Yuusuf, laguna soo daro boosaskooda xubno cusub oo ay isku hayb yihiin.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ku gacan-sayray liiska isagoo sheegay in xubnaha uu ka saaray qaarkood lagu soo daro, taasoo uu si aad ah uga soo horjeestay Saacid.

Sida aan xogta ku helnay muranka ayaa gaaray heer Madaxweynuhu culeys ku saarayo Ra’iisul wasaaraha inuu ka tago xilka, uuna u magacaabo shaqsi kale, taasi oo Saacid uu ka biyo diiday.

Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray muran ku saabsan sidii la isugu shaandheyn lahaa golaha wasiirada loona balaarin lahaa, kaasoo mar walba uu dib u dhigayay muranka labadan mas’uul u dhexeeya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inuu wado dhexdhexaadinta labada mas’uul, inkastoo uusan weli wax guul ah ka gaarin.

Ra’iisul waasaare Saacid ayaa wuxuu wadaa qorshe ah in Xukuumada uu ka dhigo 25-wasaaradooda iyo 25-wasiir ku xigeeno iyo wasiir u dowlayaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News