27.9 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Wiliam Ruto oo uu xaalku ku xun yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hague (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto waxa kaliya oo looga cudurdaari karaa maxkamadda loogu haysto dambiyadiisa la xiriira aadamiyadda ee ka hor socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) markii ay jiraan “duruufo aad u murugsan”, sidaana waxaa xukun ay soo saartay ku sheegtay maxkamadda.

“Maxkamadda Racfaanka waxa ay arrin munaasib ah u aragtay in ay ka noqoto” xukun ay horay u gaartay oo Ruto looga cudurdaaray in uu ka soo qayb-galo inta badan fadhiyada ka socda maxkmadda Hague, ayuu yiri Garsoore Sange-Hyun, sida ay sheegtay AFP.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorayaasha racfaanku waxa ay isku raaceen in “duruufaha aadka u adag ay maxkamaddu uga cudurdaari karto eedeeysanaha in uu si joogto ah u yimaado maxkamadda,” ayuu yiri.

Xukunkii Jimcaha, ayay garsoorayaashu waxa ay sheegeen in eedeeysanuhu “uusan kaliya ahayn qof si qaboow isagala soconaya maxkamadda ee uu yahay qof si firfircoon uga qaybqaadanaya”.

Sidaa darteed, go’aanka Ruto looga cafinayo qaybo ka mida maxkamadda waa in xaalad-xaalad loo eegaa maqnaanshihiisuna “waa in uunan noqon arrin la xukmiyay”.

Maqnaanshe waliba waa in uu ku xaddidan yahay “wax aad u mihiim u ah”, ayuu yiri Song, garsoorayaashuna waa in ay tixgaliyaan dhammaan khiyaarada kale, sida in la baddalo taariikhda maxkamadda. Dhaqan-galka markiiba yimid ee xukunkani ayaa noqday in garsooraha maxkamadda Chile Eboe-Osuji uu Ruto u cudurdaaray illaa iyo 31-ka October in uu maqnaado si uu u soo guto waajibaadkiisa rasmiga ah xilliga uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku maqan yahay Rwanda.

ICC-da ayaa horay uga cudurdaartay Ruto in uu soo xaadiro maxkamadda bishii September si uu markaa uga soo shaqeeyo mashaqadii ka dhacday suuqa dukaameeysiga ee Westgate ee Nairobi.

Maxkamadda Kenyatta ee ICC-da ayaa u muddeeysan in ay bilaabato 12-ka November, inkasta oo hadda kaliya looga baahan yahay inuu maxkamadda hortago fadhiga furitaanka, kan go’aan xukun rididda iyo marka ay dhibbanayaashu ku markhaati furayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News