Video: Aroos cajiib ah oo Turkey loogu dhigay lamaanihii Turkiga & Somalida

Caasimada Online:  Warbaahinta dalka Turkiga ayaa aad ugu hadlay mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaha samafalka ee Turkiga oo 19-kii bishan ku guursaday Muqdisho gabar Soomaaliyeed, guurkaasoo shacabka Muqdisho ay ku tilmaameen mid bog cusub u furay shacabka labada dal iyo xiriirka cusub ee dhinaca guurka.

Wiilka Arooska ah oo lagu magacaabo Muhamet Birlik iyo gacalisadiisa ayaa xafladii Muqdisho mid la mid ah ku dhigtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyagoo faraxsan ayey ka ciyaareen sida muuqaalkaan aad ka aragtaan, iyagoo labadooda ka muuqday wejiyadooda farxad aan lasoo koobi karin ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO: