Xiisadda Balad-Xaawo oo Noqtotay mid la isku Farmuqo & eedeyn Cusub

Balad-Xaawo (Caasimada online) Xiisad Colaaded ayaa wali waxay ka taagan tahay Deegaanada gobolka Gedo taas oo u dhexeyso Mas’uuliyiinta dowlada Somalia ee Gobolkaas, iyo Madaxda Maamulka Ahlu Sunna.

Inkastoo ay taasi ay jirto ayaa hadana Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Gobolkaasi, waxay eedeyn dusha uga tuureen Gudoomiyaha Gobolkas Diyaad Cabdi Kaliil.

Gaashaanle C/rashiid, Wuxuu ka mid tahay Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Gobolkaasi Gedo, wuxuu sheegay in Qilaafka iyo Shaqaaqada ka taagaan Gobolkaasi uu ka dambeeyo Gudoomiyaha Gobolka.

“Iska daa inuu gobolka dhibaatidiisa wax ka qabtee isagaa sii qaribay, Lixdi Bilood ee uu Ra’isul wasaaraha Sida KMG ah ugu Magacaabay waxay aheyd in horumarin lagu sameeyo gobolka inta ay dowlada Somalia ka Maamusho” ayuu yiri Gaashaanle C/rashiid.

“inuu Umadda wax u qabto oo uu Nabadeeyo Iska Daayee isagaaba Colaad dhex dhigay Qilaafka dadka aan isku fikirka aheyn isaga nakala geeyay, Ma aqaan wuxuu damacsan yahay Muqdisho muqdisho waxaa loogu ditray waa inuu Dhibaatooyinka gobolka wax ka qabto laakiin waxba muusan qaban ” ayuu hadalkiisa Sii raaciyay

Gudoommiyaha Gobolka Gedo Diyaad Cabdi Kaliil ayaa hore u Beeniyay inuu lug ku leeyahay Dhibaatada ka taagan gobolka , Waxaana uu sheegay inay soo Afjari doonaan Dhowaan.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Beladxaawo oo lagu magacaabo Buule Qaloocoow oo la hadlay warbaahinta ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inay ka gaabisay kaalintii ay ku laheyd xiisadaha ka taagan Beladxaawo.

Wuxuu sheegay in Dowladda ay ku ceebeysan tahay xiisadaha Beladxaawo iyo sidii loo qaboojin lahaa, maadaama doorka Dowladda Soomaaliya uu yahay nabada dalka, balse xitaa aysan marnaba ka hadlin arimaha Beladxaawo ka taagan.

Gedo waxaa ka taagan Shaqaaqo iyo dhiilo colaadeed oo u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Gobolada Koonfureed iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia.

Caasimada online
Xafiiska Balad-Xaawo
Caasimada@live.com