28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Odayaasha Beesha Ceyr oo canaantay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Kadib Markii Odayaasha iyo Dhaqanka Beesha Ceyr ee Habargidir, ay caro xoogan ka Muujiyeen Weerarkii lagu qaaday Xarunta Idaacada Shabeelle , ayaa waxaa arintaasi kala hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada C/kariin Xuseen Guuleed, oo Axadii shalay Kulan la qaatay Odayasha iyo Waxgaradka Beesha Ceyr wuxuu kala hadlay Xiritaankii Idaacada Shabeelle kadib markii odayaashu ay ka dalbadeen inuu Fah Faahiyo Sababta uu arintaasi u amray.

Wuxuu sheegay inay Warqad usoo Gudbisay, Wasaarada Isgaarsiinta oo ay ku dalbaneysay in Idaacada Shabelle laga saaro Dhismaha, ay deggan tahay, Maadaama Sida uu sheegay loo Baahday, waxaana uu sheegay in Xilligaasi kadib Wasaradiisu ay Muddo Shan Cesho ah u qabteen Idaacada hayeeshee ay ka dhago adeegtay.

Odayaasha iyo waxgaradka Ceyr ee la kulmay Wasiirka, waxay  u sheegeen inaysan ku qancin Sababtaasi , waxaana ay u Sheegeen in hadii Xifaaltan uu kala Dhexeeyo Milkiilaha Idaacada C/Maalik Yuusuf Maxamuud,loo baahan yahay ijnuu Odayaasha kusoo wargilo Balse Tilaabadaas ay aheyd mid aan iyaga u Cuntamin.

“Xasrinta lacago Fara badan  ayaa laga qaatay, sidaasi darteed wixii maqnaado mas’uuliyadeeda waxaa qaadayo wasaarada Arimaha gudaha oo aad adiga madaxda ka tahay” ayay ku yiraahden odayaasha Ceyr wasiirka Arimaha Gudaha Somalia.

Odayaasha ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay Beesha Ceyr si gaar ah u bartilmaameydsaneyso , iyagoona sheegay inaysan garaneyn sababta.

Milkiilaha Shabakada Warbaahinta ee Shabelle (Shabelle Media Network) C/Maalik Yuusuf Maxamuud, wuxuu sheegay in ay ka maqan tahay adduun lacageed oo dhan seddex boqol iyo konton kun oo dollarka Mareykanka ($350,000US).

Kulankii shalay ayaa noqday mid aan la isku afgaran , hayeeshee waxaa la balamay in mar kale kulan kale ay isugu yimaadaan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News