Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole aya Si cad wuxuu uga horyimi d Sameysashada ilaalo ay yeeshaan Musharixiinta kula loolamaya Xilka Madaxtinimada ee Maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay inaysa Aqbali doonin hadii ay yihiim Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, in Musharixiintu ay sameystaan Hub iyo Ciidan qaab Beeleed u Amnigooda ilaliya.
Maamulkeygu Marna Ma ogolaan Doono in Ciidamo Beeleed Tikniko Saaran oo Amnigooda Suga, Musharixii u Baahan Ciidamo Dheeraad ah inagaa u taagan Xaajinta Amnigiisa ” ayuu Yiri Faroole
Wuxuu sheegay Faroole in Puntland ay leedahay Cadowl Gudaha ah iyo Mid Dibada ah Sidaasi awgeedna loo baahan yahay in Gacmaha la is qabsado lagana wada shaqeeyo Sugidda Amniga inta ay socoto Doorasha.
Bisha Janaayo ee Sanadka Cusub waxaa lagu wadaa in deeganada maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashooyinka madaxtinimada maamulka Puntland oo siyaasiyiin kala duwan ay ku tartamayaan.
Caasimada online
Xafiiska Garoowe

