Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Federaalka Somaliya C/llaahi Ciilmoge Xersi ayaa si toos ah u sheegay inay dhamaatay Xilligii Tuugmada wax lagu raadin jiray iminka wixii ka dambeeyana dowladu aysan Baryootan la gali doonin Hey’adaha An diiwan gashaneyn ee dalka ka shaqeeya.
Wuxuu sheegay in Dowlada Somalia ay sanad jirsatay halkaasi sanana ay ay waday Codsiyo ku aadan inay is diiwaan galiyaan hey’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya dalka Balse ay qaar kood ka dhago adeegeen.
Wasiir Ciilmooge ayaa shaaca ka qaaday in iminka wixii ka dambeeya ay adeegsan doonaan awood dowladanimo , taas oo kula dhaqaaqayaan dadka horjeesta sharciga ay soo bandhigaan.
Wuxuu sidoo kale Sheegay inaysan ogolaan doonin sharciga oo lagu xad gudbo si sharci daro ah, Ciddi taasi lagu arkana ay tallaabo ka qaadayaan sida sheegay.
Hadalkan wuxuu imaaanaya Xilli Idaacada Shabeelle al-baabada la isugu laabay Maalin ka hor markii lagu eedeeyay inay ka dhago adeegtay amar kasoo baxay wasaeada Arimaha Gudaha Somalia.
Halkaan Hoose Ka dhageyso C/llaahi Ciil Mooge
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

