Jowhar (Caasimada Online) Degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu toogtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xuseen Cumar Hilowle oo loo yaqaanay (Moojo-Moojo) waxaana dilay kooxo ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday gurigiisa sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen, waxaana dilka kaddib goobta soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasoo billaabay baaritaano ku aadan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii weerarka geestay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in magaalada caawa lagu soo rogay bandow.
Ma jirto cid ka hadashay dilka sarkaalkan, waxaana dilka kaddib magaalada lagu soo daadiyay ciidamo fara badan sida ay lee yihiin dadka goobjooga.
Ma ahan markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

