Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaa ka socda dib u dhis iyo dib u dayactir, ayada oo ujeedkuna uu yahay in meel kasta oo magaalada ka mid ah ah laga dhigo meel indhuhu jecleestaan.
Meelaha dhismaha uu ka socdo waxaa ka mid ah xarumaha dowladaha hoose, gaar ahaan degmooyinka.
Degmada Dayniile, ayaa lagu sameeyey dayactir xooggan, waxaana dib loogu soo celiyey sidii ay ahayd beri samaadkii.
Waxaad nala aragtaa sida Dayniile ay ahayd sanad ka hor iyo sida iminka laga dhigay.
















