27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Beelo kale oo kuu gacan seeray shirka Jubbooyinka ee Muqdisho + Dhageyso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaanada Kasoo  Jeedda Beelaha Digil iyo Milifle ayaa maanta waxay si cad u sheegeen inay kasoo horjedaan Shirka Maalintiisa Labaad ka soconaya Mahaalada Muqdisho .

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Dowladii KMG aheyd Sheekh Aadan Maxamed Nuur ” Sheekh Aadan Mdoone” ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan ka Turjumeyn aaayaha iyo Xalinta Khilaafaadka ka jira gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in dowlada Somalia ay qorsheyneyso inay dhulkoda Siiso Sida uu sheegay dad aan u dhalan Waxaana uu ku goodiyay inasay dowlada Dhabarka u ridaneyso wixii ka dhaca Goboladaasi.

Xildhibaa Sheekh Shaacir. oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah ay siineyso Hayeeshe aysan aqbali doonin in dhul ay xaq u leeyihiin sida uu sheegay in cid kale si xaq daro ah loogu gacan geliyo.

Xilshibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, wuxuu sheegay  in Wadamada Africa , Caalamka iyo Wadamada Deriska ah uu ku wargalinayo in dhankooda aysan waxba ka galin shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan Kasoo Jeedo Beelaha Digil iyo Milifle ayaa Maaanta kulan ka dhan ah Shirka Muqdisho Maalintiisa labaad ka dhacay ku yeeshay Xarunta golaha Shacabka .

Halkaan ka dhageyso Codka Xildhibaada Shirka Muqdisho diidan

Halkaan ka dhageyso Xidhibaada diidan shirka Muqdisho

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News