29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Madaxweynaha oo la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyadda ku qaabilay ra’’sulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimahha dibadda de dowladda Itoobiya Mudane Dr. Tedros Adhonom.

Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay ka wad hadleen xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dalgaalka lagula jiro kooxaha argagixisada qatarta ku ah ammaanka labada dal.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibbadda ee dalka Itoobiya oo saaka soo gaaray magaalada muqdisho ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda  maalinta bari ah lagu xirayo shirka dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka oo maalmahaan ka socday magaalada muqdisho.

Xasan iyo Adhorem ( (1)Xasan iyo Adhorem ( (2)Xasan iyo Adhorem (Xasan iyo Adhorem ( (3)Xasan iyo Adhorem (1)

- Advertisement -

Read more

Local News