29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Xasan Sheikh oo laba arrin oo xikmad leh xalay ka sheegay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamud ayaa Casho Sharaf u sameeyay ergadii ka socotay Jubbooyinka.

Cashada ka hor ayaa waxaa lasoo bandhigay heeso wadani ah iyo riwaayado muujinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale casho sharafta waxaa lagu casuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mudane Teodrus Adhonom, Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

xasan casho (1)Madaxweynaha DFS Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa wuxuu yiri “ Shalay ninkii ku mashquulo berri ayaa dhaafto” sidaas darteedna kula dar darmay ergada Jubooyinka iyo Madaxda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka umadda Soomaaliyeed eek u nool goboladda.

“Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag dhamaan goboladda Soomaaliya. Muhiimadda waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oona nabad ah”.

xasan casho (2)Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meshii ugu wanaagsaneyd. Baal cusub ayaa noo bilawday waana u mahad celinayaa Dowladda Itoobiya dadaalka ay ku bixineyso in ay Soomaaliya nabad ka dhalatto.

“ Waxaa la yaab ah in Wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya uu Muqdisho seexanayo si nabad ahna ku dhex socdo. Dad aan Wasiir iyo wax u dhaw aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo.” Taasna waa mid aan la yaabnay.

xasan casho (3)Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka KMG iyo ergooyinka Jubbooyinka.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, [email protected]

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -

Read more

Local News