31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Is-casilaaadii Yusur Abraar oo aan weli la isaga harin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Maaliyada xukuumada Somaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta waxaa wax laga weydiiyay sababaha xilligan kusoo beegay is casilaada Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar

Saxaafada ayaa kulanka  dibad joog ka aheyd xilliga la weydiinayay su’aalaha, iyadoo markii kulanka soo dhamaaday ay saxaafada kaga warbixiyeen Wasiirka Maaliyada xukuumada Somaliya Maxamuud Xasan Suleymaa iyo Gudoomiyaha gudiga Maaliyada ee baarlamaanka Somalia Xildhibaan Sheekh Aadan Madeeriyo

Xildhibaanka ayaa  sheegay in  su’aalaha ay weydiiyeen Wasiirka uu si wanaagsan uga jawaabay waxaana uu tilmaamay in iminka ay ka qanceen wasiirka sida uu hadalka u dhigay .

Ugu horeysay waxaa Wasiirka wax laga weydiiyay waxa keenay inay  casisho Yusur Abraar oo aheyd Gudoomiyaha Bankiga dhexe, iyo waxa uu kala socdo  sida uu sheegay Xildhibaan  Sheekh Aadan Madeer .

Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Maaliyada Somalia oo la hadlay wariyeyaasha ayaa dhinaciisa ku gaabsaday in saddexdii su’aalood ee la weydiiyay uu ka jawaabay, isla markaana uu kulanka ku soo dhamaaday jawi wanaagsan muddo labo saac oo uu socday kadib .

Yusur Abraar oo aheyd gudoomiyihii Bankiga dhexe ayaa xilkaasi si rasmi ah isaga casishay 30-kii bishii hore kdib mudo todobaadyo ah oo ay xilkaas heysay .

Yusur Abraar ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo ay warbixin ku aadan arrimaha is casilaadeeda kusiin doonto Midowga Yurub

Halkaan ka dhageyso Su’aalaha Wasiirka la weydiiyay

Halkaan ka dhageyso Su’aalaha Wasiirka LA WEYDIIYAY

Halkaan Hoose ka dhageyso Jawaabaha Wasiirka Maaliyada

Halkaan ka dhageyso Jawaabaha Wasiirka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News