Jowhar (Caasimada online) Gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule, wuxuu sheegay in la sameeyay goobo gaar u ah oo lagu xaanaaneeyo dadkii ay sameynta ku yeesheen Fatahaada webiga Shabeelle gaar ahan deegaanada ku dhow dhow magaalada Jowhar.
Arintan waxay ka dambeysay kadib markii dadkaasi ay ku hanti beeleen Fatahaada webiga Shabeelle , waxaana wali xiran wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar sababato la xariiri biyo buux dhaafiyay wadadaasi darteed.
Iyadoo ay taasi jirto hadana qeybo ka mid ah duleedka magaalada waxaa ka soconaya dilal aano qabiil salka ku heysa shalayna waxaa ka dhacay dagaal toos ah oo beelo gobolkaasi wada dega u dhexeeya .
Tuulada Geedo Barkaan oo duleedka dhanka bari Jowhar uga beegan ayuu dagaalku ka dhacay waxaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo inta ay la egyihiin aan la xaqiijin .
Shalay Xarunta gobolka Sh/Dhexe ee jowhar waxaa gaaray Madaxweynaha Somalia oo tan iyo markii la doortay markii labaad halkaasi tagay iyo wafdi uu hogaaminayay .
Qaar ka mid ah Bulshada reer Jowhar ayaa sheegaya in ay yihiin dad labada dhinac ka gubtay , waxaana ay taasi ku macneeyeen in dagaal qabaa’ileed uu markale kasoo cusboonaaday gobolka iyo in Fatahaada wabiga ay saameyn weyn ku yeelatay .
Waxaa Xusid in dhowaan meelahaan ay heshiis buuxa ku wada gaareen magaalada Jowhar kaas oo uu gar wadeen ka ahaa gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow.
Caasimada online
Xafiiska Jowhar