Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayo ergooyinka iyo mas’uuliyiinta ka qaybgashay shirkii arrimaha Jubbooyinka ee ka socday magaalada.
Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Somalia waxaa ka qaybgalay madaxda dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.
Dadka ka hadlay waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha kumeelgaarka ee Jubba, Axmed Madoobe oo xafladda ka sheegay in lixda qoddobo ee ka soo baxay wajiga koobaad ee shirka ay dan weyn ugu jiraan beellaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wuxuu sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay qoddobada iyo sida loo saxiixay, wuxuuna sheegay in uu isaga damaano qaadayo cid kasta in uu qancin doono.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa ku celiyay in dowladda aysan diyaar u ahayn in ay iska horkeenaan beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuu kaloo sheegay in cid kasta oo diiddan ama wax saluugsan ay diyaar u yihiin in ay qanciyaan.
Dhinaca kale, waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabada siddii dib loogu celin lahaa ergooyinka ka yimid magaalada Kismaayo.
Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho hadda ku sugan dhammaan ergooyinka ka qaybgalay kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho