Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaya shirweyne muhiim ah oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.
Shirka oo lagu qaban doono Hotel Jazeera oo udhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka qaybgalaya dhakhaatiir ka yimid dibedda iyo kuwa Soomaaliya jooga, sidoo kale waxaa lagu casuumay wakiilo ka socda hey’addaha caafimaadka maxaliga iyo kuwa caalamka.
Shirka waxaa furi doona ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid “Shirdoon” waxaana uu ka sheegi doonaa halkaas sida dowladda ay u dooneyso in wax uga qabato xaaladda caafimaadka dalka iyo la baaro dawooyinka iyo qalabka caafimaad ee dalka la iska keensado.
Sidoo kale, shirkan waxaa ka hadli doonta wasiirka horumarinta iyo adeega bulshadda Dr. Maryam Qaasim, taasoo soo bandhigi doonta qorshaha ku aadan wasaaradda adeega bulshadda ee ku aadan xaaladda caafimaadka dalka.
Shirkan waxaa taageeraya Qaramada Midoobay, gaar ahaan hey’adda caafimaadka dunidda ee WHO.
Waxaa laga soo gabagabeen doonaa sagaalka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana gabagabadiisa laga saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo arrimaha shirka looga hadlay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho