26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Carafaad oo la ggaaday in la sumeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ramallah (Caasimada Online) – Baaris Seyntifik ah oo lagu sameeyay samballo laga soo qaaday meydka hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiiniyiinta Yasser Arafat ayaa laga helay maadada Radio Actifka oo heerkeedu sareeyo, sida ay sheegtay warbaahinta iyo xaaskii uu ka geeriyooday.

Warbixin ka koobanta 108 bog oo ay soo saareen seynisyahanno u dhashay dalka Sweden – oo ka howlgala jaamacadda Lausanne, oo ay uu helay Telefishinka Al-jazeera, lana tusay shirkado kale oo warbaahineed, ayaa laga ogaaday in xadi aan caadi aheyn oo maadadaasi halista ah laga helay shacaano laga soo qaaday feeraha iyo gumaarka meydkii carafaad, iyo ciidda halkii uu yaalay meydkiisa.

Haweeneyda uu ka dhintay Carafaad , oo la yirahdo Suha, ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters arbacadii shalay – in waxa la ogaaday uu yahay dambi dhab ah oo lagu dilay ninkeedii – waxey sheegtay in dhimashada seygeeda ee sanadkii 2004tii uu ahaa shirqool siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Doxa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News