26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: DFS oo la eedeeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdosho (Caasimada online) Dowlada Somalia ayaa ku guul dareysatay wax ka qabashada Xiisadaha kasoo cusboonaaday gobolada Sh/Dhexe iyo Mudug sida uu sheegay nabadoon Faarax Gacameey oo ka mid ah waxgaraka Somaliyed.

Nabadoonka ayaa sheegay in  wax ka qabashada iyo dhamaynta colaadahaasi ay u istaageen isaga  iyo Nabadoono kale oo isku xilqaamay dhameynta xiisadaha goboladaasi iminka ka taagan

Sababta keentay inay iyagu is abaabulaan ayuu ku sheegay inay go’aansadeen kadib markii ay arkeen in dowlada Somalia ay arimahaasi ay ka indho xiran tayay waxaana uu tilmaamay in ku dadaali doonaan  nabad kusoo dabaalida gobolada iminka colaaduhu ay ka jiraan  

 Laabada gole ee dowlada Soomaaliya ee kala ah golaha sharci dejinta iyo kan xukuumada Somalia ayuu sheegay Nabadoon gacameey inay ku fashilmeen hir gelinta howlihii loo idmaday, waxaana uu ka dalbaday gudashaya waajibaadkooda shaqo.

Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay ka gaabisay Arimaha Somaliland Puntland iyo shirka Beydhabo ka soconaya oo uu sheegay in dhamaan ay u baahan yihiin in xal laga gaaro .

Dowlada Somalia dhowaan waxay ka dhawaajisay in is badal wanaagsan dalka u horseedi doonta , iyadoona iminka dalka uu ka jiro khilaaf ku aadan  Maamul u sameynta gobolada dalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso nabadoon gacameey

Halkaan ka dhageyso Codka Nabadoon Gacameey

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News