Boosaaso (Caasimada Online) Waxaa caawa la soo saaray digniin ku saabsan dabeelo xooggan oo ku wajahan qaar ka mid ah bartamaha Soomaaliya.
Cabdulaahi Iidaan Ismaacil oo ka tirsan xafiiska saadasha ee Djibouti ayaa VOA u sheegay in jirto digniino ku aadan dabeelo ku dhufan kara Soomaaliya gaar ahaan deegannada ku dhow xeebaha.
Wuxuu sheegay in xilligan oo kale sannad kasta ay soo baxaan digniino la xiriira dabeelo ka dilaaca xeebaha Soomaaliya.
Meelaha uu carabka ku adkeeyay waxaa ka mid ah degmada Eyl ee Puntland, halkaas oo sannadkii 2004-ta ay ka mid ahayd meelihii ay ku dhufatay dabeesha Sunaamida.
Dabeeshan ayaa loo bixiyay Tropical Cycle waxaana meelaha ay ku wajahan tahay ka mid ah waddamo ku yaalla Afrika iyo Aasiya sida ay lee yihiin dadka yaqaana cimilada.
Dhinaca kale, aggaasimaha hay’adda maaraynta masiibooyinka iyo arimaha bini’aadamtinimada ee Puntland ee Hadma Cabdulaahi Ceyrow oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Puntland ayaa ku wargaliyay dadka degen dhulka xeebaha inay feejignaan dheeri ah muujiyaan si aanay waxyeelo ugu geysan duufaanta xooggan oo la sheegay inay bilaabanayso caawa sagaalka fiidnimo.
Agaasimaha ayaa sheegay duufaantaan inay saacaddiiba jarayso masaafo dhan 80 km, Wuxuuna sheegay inay kasoo bilaabanayaan degmada Ayl ee gobolka Nugaal kana tirsan deegaanada kuyaala xeebaha badweynta Hindia.
Ugu dambeen wuxuu sheegay in dhammaan dadka ka agdhow xeebaha ay u direen digniin la xiriirta in ay dabeelo ku soo wajahan tahay degmada.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Djibouti