28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Warbixin: Wasiiro hore oo Muqdisho ku shiray kana hadlay khilaafka DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay kulan ay garwadeen ka ahaayeen wasiiro hore uga tirsanaa dowladii ugu dambeesay ee KMG ah.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa looga hadlay sida wax looga qaban karo is-maandhaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ka qaybgalay kulanka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in ay madasha joogeen Wasiirkii hore ee dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirkii hore ee gaashandhigga Xuseen Carrab Ciise iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahwayn.

Kulanka waxaa kaloo joogay siyaasiyiin iyo wax-garad, waxaana ay gabagabadiisa isla afgarteen siddii wax looga qaban lahaa khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ka billowday guux ballaaran oo ku aadan khilaafka cusub ee ka dhex taagan madaxda dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xubnahan ku kulmay Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu soo warramayaa in ay kulamo gooni-gooni ah ay la qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha markaas kaddibna ay saxaafadda la hadli doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News