Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho Maanta oo Khamiis ah hilib geel lagama cunin oo kawaanlaydii shaqo joojin ayay sameeyeen kaddib markii ay diiddeen inay bixiyaan canshuuraha ay dowladda hoose soo rogtay, iyagoo Muqdisho loo sameeyay goob gooni ah oo xoolaha lagu qalo.
Ganacsatada ayaa la sheegay in xaley la xiray kaddib markii uu ismaan dhaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Maamulka Kawaan Barri ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aan wax hilib ah aan lagu qalin kawaanka, waayo waxaa la isku qilaafay lacagta lagu qalaayo Hilibka.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ku amray ganacsatada in ay bixiyaan lacag 70 kun oo Shilling Somali ah halkii kal horre laga bixin jiray 30kun oo shilling Somali ah.
Wariyaasha Shabakadda Caasimada Oline ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in saameen ay ku yeelatay arrintaas suuqyada lagu iibiyo Hilibka Geelle.
Waxaana la lee yahay waxaa qaali noqday Hilibka Ariga oo halkii KG ka joogay suuqyada Muqdisho 140,000 oo shilling Soomaali ah balse maanta waxaa lagu iibinayaa ilaa 200,000 oo shilling Somali ah.
Sidoo kale, dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa aad u hadal haya tallaabadan in kastoo uusan Maamulka Gobalka Baanadir uusan ka hadlin arrintan.
Dhawaan ayaa Maamulka Gobalka Banaadir wuxuu dhawaan mamnuucay in xoolaha nool lagu qalo xaafadaha Muqdisho, waxaana la amray in xoolaha lagu qalo Kawaanka Barri oo ku yaalla Degmada Kaaran ee Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

