25 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

Dad ku dhintay roobab ka da’ay S/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) Magaalooyin badan oo ku yaalla deegannada Maamulka Somaliland ah, ayaa waxaa tan iyo Salaasadii ka da’ayay roobab xooggan, kuwaasi oo qaarkood wateen dabaylo sababay khasaaso naf iyo maal isugu jirta sida uu sheegay Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhintay roobabka ka da’ay deegannada Maamulka Somaliland, waxaana meelaha ugu badan ee khasaaraha ka dhasheen ay yihiin Gobalka Daad-Mareer gaar ahaan deeganka Oodweyne.

Magaalooyinka uuroobka sida weyn uga da’ay ayaa kala ah Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo iyo Buuhoodle, kuwaasi oo qaarkood isku socodkii gaadiidka iyo dadwaynaha hakad galiyay.

Magaalada Berbera ilaa 200 oo qoysas ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen roobabka ka da’aya deegannada Somaliland.

Wasaaradda Waxbarashadda Maamulka Somaliland ayaa fasaxday Salaasadii Iskuulada iyo Jaamacadaha, waxaana dib loogu noqon doonaa Maalinta Sabtida ee soo socota, waxaa kaloo xiran inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News