Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka ugubka ah ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raa’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari, ayaa wuxuu qabaa in khilaafaadka Madaxda dowladda lagu xallin karo oo kaliya gudaha dalka, oo dibedda loo waaridi doonin.
Isagoo la hadlaya BBC-da ayuu sheegay in dalka uu hadda lee yahay Dastuur, sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu xallin karo wax kasta .
“ Waxaan rabaa in caddeeyo dalku maanta wuxuu lee yahay dastuur , xaalkuna sidii hore ma’ahan oo dibadda looga imaan jirey in la xalliyo khilaafka masuuliyiinta dowladda.”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Ugu dambeen wuxuu Prof. Jawaari, ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya, haddii kalana lagu kala bixi doono sida uu sheegay Dastuurka.
Waxaa jirra kulamo xiriir ah oo ka socda Muqdisho, waxaana kulamadaas lug weyn ku leh mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo doonaya in uu yimaado isbadal.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi