Muqdisho (Caasimada online) Muqdisho Waxaa xalay kulan ku yeeshay qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumaddii C/wali Maxamed Cali Gaas ee Bad-Baado qaran.
1. Inay aad ugu xun yihiin khilaafaadka ka dhextaagan madaxda ugu saraysa dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.
2. In si deg dega loo xaliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, mudnaanta xalinta khilaafaadkana waxa iska leh madaxda sare ee dalka si gaar ah, iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
3. In guddi 7-qof ka kooban laga soo xulay xubnaha Badbaado kuwaasi oo si deg dega ula kulmi doona Madaxwayanaha.
Soomaaliya ayaa si aad ah looga hadal haaya Khilaafaadka ka dhextaagan Madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

