Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah xoogsatada Kawaan bari ee degmada Xamar weyne oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay kadib markii is fahmi waa uu soo kala dhex galay maamulka gobolka iyo kan kawaanka oo iskaashanaya iyo iyaga .
Mid ka mid ah oo ku hadlayay afka iskaastada kawaanleeyda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowlada Somalia ay dhawaan ku amartay in xoolaha lagu gowraco kawaanka bari isla markaana ay u hogaansameen arintaas , waxaana uu sheegay in iminka loo keenay warqad la sheegay inay maamulka kasoo baxday oo ku amreysa in neefkiiba laga bixiyo 200 oo shilin Somalia ah .
” Inaga ma ogin meesha warqadaas ay ka timid laakiin warqada waxa ku qoran qofkii aan bixineyn 200 shilin Somalia ah halkaan yuusan xoolo keenin marka anaguna taas ayaan ka biyo diidnay oo waxaan ku dhahnay xoolaheena anigaa leh lacagtaasna ma bixin karno sidaas ayaana nalagu xiray ” ayuu yiri mid ka mid ah kawaanleeyda gobolka oo warbaahnta la hadlay .
Dhanka kale Gudoomiyha Kawaan Bari Cabdulaahi Muuse Axmed oo dhankiisa warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in xalay wax geel ah aam lagu qalin kawaankaas sabab la xiriirta dhibaato uu sheegay inay wadaan gudiga iskaashatada kawaanleeyda gobolka.
Wuxuu sheegay inay ka biyo diidaan amar uu kusoo rogay maamulka gobolka ooah bixinta 200 oo shilinka Somaliga ah neefkii geela ah taas oo uu sheegay inaysan culeys ku aheyn iyaga .
Wuxuu sheegay in sababta loo xiray ay tahay inay ka biyo diidaan amarka maamulka iyo in ay fowdo kiciyeen sida uu sheegay , waxaana dhanka kale uu sheegay inay doonayaan in suuqa ay ku qalaan sida uu hadalka u dhigay xoolo caato ah taasina ay dhankooda kasoo horjeedaan.
Dhowaan Maamulka Gobolka wuxuu amar ki bixiyay in xoolaha loo iib geynayo suuqyada Muqdisho in lagu qalo kawaan bari .
Halkaan Hoose lka dhageyso qar ka mid ah xoogsatada
Halkaan Hoose lka dhageyso Gudoomiyha Kawaan Bari
Gudoomiyha Kawaan Bari Cabdulaahi Muuse Axmed sax
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com

