28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ax’ed Madobe oo gurmad u diraya P/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hoggaamiye ku-xigeenka Maamulka Kumeel-garka ee Jubba, Gen Cabdulaahi Ismaacil Fartaag.

Wuxuu ugu horrey tacsi u diray dadkii ku dhintay dabeylaha roobabka xooggan wata ee ku dhuftay deegannada Barri ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Maamulkooda uu diyaar u  yahay wixii karaankiisa in uu ku waaciyo Maamulka Puntland iyo dadka wax ku noqday Musiibadaas.

“Sida aan ogtihiin waxaan kala joognaa Cirifka Koonfureed iyo Cirifka Barri, waa haddii si kale loo dhigo Raas Kambooni iyo  Raas Caseer, laakin sidaas oo ay tahay waxaan diyaar u nahay in aan wax u qabano walalahayn reer Puntland iyo dowladooda, Puntland wixii soo gara waa ay soo gaareen Jubblanad ” ayuu yiri Gen Fartaag.

Si kastaba, waxaa soo kordhaya qeeylo dhaanta loo jeedinaayo dadka wax ku noqday dabeylaha roobabka wata ee ku dhuftay Gobalada Barri iyo Nugaal ee Puntland.

Maamulka Puntland waxa ay lee yihiin dad lagu qiysaasay ilaa 300 oo qof ayaa ku dhintay musiibadaas, iyadoo xoolo badan iyo hanti kale ay la tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News