29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirka Golaha Wasiiradda oo saameyn ku yeeshay khilaafka madaxda DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo Maalin kasta oo Khamiis ah dhici jiray uu saameen ku yeeshay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa.

Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online, balse diidday magacooda in loo adeegsado Warbaahinta ayaa noo xaqiijiyay in Wasiiradda xukuumadda ay intooda badan ka maqan yihiin dalka isla markaana Wasiirro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Gudaha ay ka maqan yihiin shirka maanta oo uu shir guddoominaayo Ra’iisal wasaare Saacid.

Wasiiradda dalka jooga ee ka maqan shirka waxa ay aad ugu dhow yihiin Madaxweynaha, waana kuwii ra’iisal wasaaraha u soo jeediyay in uu is-casilo, sidoo kale wasiiro dalka ka maqan oo uu ka mid yahay Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda waa kuwa aan la ogeyn waxa ay u maqan yihiin waxaana ay ka soo horjeedaan Ra’iisal Wasaaraha.

Shirka wuu socdaa ilaa hadda, waxaana loo yeeray Saxaafadda ma cadda wax yaabaha looga hadlaayo sidaas waxaa noo sheegay mas’uul ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo looga hadlaayo khilaafka soo kala dhex galaya madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News