Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ee Maamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.
Isagoo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayuu Axmed Madoobe ka codsaday madaxda dowladda in ay xaliyaan khilaafkooda iyadoo aan cidna meesha laga dirin.
Wuxuu sheegay Dowladda Fedaraalka haddiiba ay xalisay arrintii Jubbooyinka iyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa la xalin karo sida uu hadalka u dhigay.
““Abkeey dooli dilow dad nool maas u daahaa, Arrinta Jubbooyinka haddii aad xaliseen tan waa ay iska dhammaaneysaa” ayuu yiri hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe,oo ka hadlaayay Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.
Dhinaca kale, Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay dadka ku wax yeeloobay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay deegannada Bariga Soomaaliya.
Wuxuu tacsi u diray dadka ku dhintay,wuxuu caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay isagoo bedal Kheyr qaba alle uga baryay dadkii ku hanti beelay dabeylahaas.
Ugu dambeyn shirka jaraa’id ee Axmed Madoobe wuxuu ku soo hadal qaaday shirkii looga hadlaayay arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhammaaday.
HalkaanHoose ka dhageyso Axmed Maxamed Islaam
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

