Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya ku eedeeyay in faragallin ka wadaan deegannada uu maamulo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somailand Cali Maxamed Warancadde oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay degganaansho la’aan siyaasadeed ka abuurayso Somaliland.
“Cadawga Somaliland ay leedahay ee ugu horeya waa dowladda Soomaaliya ka dhisan, waxay dawladaasi wadaa gaar ahaan madaxweynahoodu in ay Somaliland fadqalalo ka dhex abuuran, oo mid siyaasadeed oo degenansho la’aaneed ah, siddaasi awgeed waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan Kooxo reer Somaliland ah oo ay duufsadeen, balse aanan garanayn sababta ay u duufsadeen kuwaasi oo ay doonayaan ay sidda Soomaaliya oo kale dalkeena ka dhigaan, oo ay ka dhex abuuran muransiyaasadeed” ayuu yiri wasiirka.
Wuu sii hadlay “Waayo dalka Soomaaliya halkaasi waxa gaarsiiyey muransiyaasadeed iyo mid madaxnimo, intaasi oo kale ay dalka laga abuurayo ayaanu cadeyn ku haynaa oo waliba lagu bixiyey hanti faro badan, tallo badana lagu bixiyey, si dadka reer Somaliland layskaga horkeeno si degenaanshi la’aan looga dhex abuuro” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.
Ma cadda, wax yaabaha keenay maamulka Somaliland in ay warkan sheegto iyadoo labada dhinac uu ay shirar uga socdaan dalka Turkiga.
Bishan November, ayey ahayd in dowladd fedaraalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay ku shiraan dalka Turkiga, balse shirkaas oo ahaa kii seddaxaad wuxuu dib ugu dhacay bisha soo socota.
Ma cadda hadalkan sida uu sameen doono hadalkan ka soo baxay Somaliland maanta shirkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa