Nairobi (Caasimada Online) Diplomaasi sare oo ka tirsan dowladda Soomaalida ayaa caawa shaaca ka qaaday war culus ah oo in xubno xiriir la leh Madaxweynaha oo ka shaqeeya Vila Somalia in ay dusiyaan sirta dowladda.
Cabdisataar Xasan Cali, oo ah xoghayaha 3-aad ee safaaradda Soomaalida ee Nairobi oo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in Kamaal Guutaalle iyo Fahad Yaasiin oo ka mid lataliyaasha sarsare ee Madaxweynaha in ay ka mid ah yihiin ragga ugu horreeya ee bannaanka geeya sirta dowladda gaar ahaan tan madaxweynaha.
“Annigoo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Soomaalida ee Nairobi, kana mid ah muwaadiniinta Soomaalida waxaan rabaa in halkan ka sheego caawa waxaa jira rag badan oo Madaxweynaha ay isku dhow yihiin, raggaas madaxweynuhu wuxuu u heestaa kuwa la jirra balse waa kuwa ka jirra” ayuu yiri Cabdisataar.
Waxaa la weydiiyay warka uu sheegay in uu yahay mid aad culus sida uu arrintaas ku caddeen karo?
Wuxuu sheegay diplomaasigan in uu hayo caddeemo sax ah oo muujinaya in labadaas nin ay yihiin kuwa bannaanka keena sirta madaxweynaha.
Wuxuu madaxweynaha kula dardaarmay in raggaas uu shaqada ka ceyriyo haddii kale wuxuu sheegay in ay dowladda dumin doonaan.
Diplomaasigan ayaa sheegay in uu la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde kaasoo shalay sheegay in cadowga ugu horreeya Somaliland in ay tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya.
“Annigu shakhsi ahaan ayaan ula xiriiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Waran-Cadde waxaan u sheegay in waxyaabaha uu shaley sheegay aaney sax ahayn, waxaa soo baxay kooxo leh waxaan nahay Machadka Heritig oo xiriir la leh Madaxweynaha, waa kuwa sirta madaxtooyada bannaanka keena, dalka masuul ayaa naga saaran, madaxweynaha waxaan lee yahay raggaas wax wanaag ah kuuma hayaan” ayuu yiri Cabdisataar Xasan Cali.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho