26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

COD: DF oo u jawaabtay Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada  Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa  jawaab kulul ka bixiyay  hadal kasoo yeeray Maamulka Soomaaliland,
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu caqabad ku yahay hanaanka Nabadgalyada Deeganada maamulka Soomaaliland.

Guuleed wuxuu sheegay in hadalka kasoo baxay Maamulka Soomaaliland uu yahay mid lala yaabo, maadaama Soomaaliland ay sheegtay in Madaxweynaha uu amnidaro siyaasadeysan kawado Soomaaliland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in guud ahaan amniga dalka Soomaaliya ay masuul ka tahay sidaasi awgeedna aan la dhihi karin inay Dowladda ka xuntahay ammaanka Soomaaliland iyo Puntland.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia Mr: Guuleed ayaa shacabka Soomaaliland ugu hambalyeeyay sida ay u ilaashadaan ammaanka deeganadooda oo ay nabadda ugu nool yihiin.

Somaliland ayaa wada hadal kula jirta dowlada Somalia inkastoo ujeedkeeda uu yahay sidii ay ku heli laheyd madaxbanaani waxaana inta badan ay sheegtaa inay tahay dowlada ka madaxbanaan Somalia inteeda kale.
Halkaan hoose ka dhageyso  Wsiirka Arimaha gudaha Somalia
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

 

- Advertisement -

Read more

Local News