25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog dheeri ah: Mooshinka ka dhanka ah R/W Saacid iyo goorta la qaadayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Somalia, ayaa lagu wadaa inuu maalinta sabtida codka kalsoonida u qaado ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, sanad un kadib markii xilkaasi loo magacaabay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somaia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in inkasta oo guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Mahad Axmed Cawad uusan waqtiga si rasmi ah u shaacin, haddana xubno isaga ku dhow laga soo xigtay in sabtida codka la qaadi doono.

Mahad Axmed, oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xubnaha doonaya in Saacid uu baxo, ayaa lagu wadaa inuu codka qaado, maadaama Jawaari uu ka maqan yahay dalka.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia waxaa loo gudbiyey mooshinka oo ay saxiixeen 168 xildhibaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inay iska caddahay in Saacid uusan sii ahaan doonin ra’iisul wasaare, haddiiba baarlamanka uu codka u qaado.

“Haddii 168 xildhibaan ay saxiixeen moshinka, waa ay caddahay in Saacid meesha ka baxayo” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa waxa uu u baahan yahay ugu yaraan codadka 139 xildhibaan oo siiyay kalsoonida, si uu xilka usii hayo, hase yeeshee xisaab ahaan taasi ma muuqato.

Marka 275 laga jaro 168 oo ah tirada saxiixday mooshinka, waxaa soo haraya kaliya 107 xildhibaan, waaba haddii 275-ka xildhibaan ee BF ay goob joog noqdaan, haddii kalena ka yar, taasi oo caddeyneysa in Saacid uusan heli doono kalsoonida.

Rajada kaliya ee uu lee yahay ayaa ah inay qaar ka mid ah kuwa saxiixay mooshinka ay maskaxdooda beddelaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News