Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah, in ay dib loo howgalin doono shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdilaahi Cilmooge Xirsi oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay markii ugu horreysay Soomaaliya in ay ka shaqeen doonaan diyaarado ay ku qoran yihiin magaca Soomaaliya, kuwaasoo ay lee dahay dowladda Soomaaliya.
” Waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaan ka soo qaybgalnay labo shir kuwaasoo ku soo dhammaaday guul, 23-sanno ayaa noogu dambeesay in aan ka qaybgalno shirka Switzerland oo ay ka qaybgaleen 125-wadan, waxaan ka soo jeediyay hadal iyadoo aan ka codsaday bulshadda ka soo qaybgashay gacan, sidoo kale waxaan soo marnay Dubai, halkaas oo aan ballan ku lahayn shirkad Shiinees ah, oo aan ka dooneyno in ay naga iibiso labo diyaaradood, diyaaradahaasna waxa ay ku shaqeen doonaan magaca Soomaaliya” ayuu yri wasiirka.
Wuxuu sheegay oo kale in diyaaradahaas ay muddo siddeed bil gudahooda ay ku imaan doonaan Soomaaliya
Wasiir Cilmooge ayaa sidoo kale sheegay in dib loo howgalkan doono shirkadii diyaarada Somali Ariline, wuxuuna sheegay in heshiis lagaleen shirkado diyaarad oo laga lee yahay dalka Ingiriiska, kuwaasoo labo diyaarad oo ay ku qoran yihiin astaanta Soomaaliya.
Isku soo duub, waa mid ka mid ah guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyadoo dib loo soo celinaayo shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho