kulan ku yeeshay magaalada Denhaag ee waddanka Holland qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Holland, waxaana kulanka oo uu soo agaasimay suxufiga C/weli Ibraahim (Garyare) looga wadahadlay tayeynta isku xirnaanta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Holland & sidii taageero & talo mideysan looga geysan lahaa dhibaatooyinka soo gaara suxufiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya gudaha dalka.
Kulankan suxufiyiintu yeesheen wuxuu ka dhacay xarunta (Dalmar Media) waxaa ugu horreyn warbixinno looga dhageystay C/weli Garyare oo ka warbixiyey ujeedada uu kulanka u iclaamyey, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay hagaajinta xiriirka suxufiyiinta & in si mideysan loo taageero qoysaskii ay ka tageen suxufiyiintii lagu dilay Muqdisho billihii u dambeeyey.
“Mihnadda saxaafadd waa mid kugu xireysa suxufi kasta, gaar ahaan kuwa aad isku dalka tihiin, luqada keliya ee aad isku fahmeysaana ay tahay shaqadda saxaafadda ee idinka dhexeeysa, marka aad howsha saxaafadda ku jirtana waxaad suxufi kasta ku qiimeyn kartaa howsha uu bulshadda u hayo“ ayuu yiri Garyare, wuxuuna intaa ku daray in kulankani uu yahay mid kaalmo dhaqaale loogu uruurinayo qoyskii uu ka tegay ALLAHA u naxariistee suxufi Maxéd Maxúud Timacadde.
“Annagu inta aan halkan (Holland) joognay waxaa ku dhintay dalkii, gaar ahaan magaalada Muqdisho saaxiibo badan. Ujeedada isku imaatinkeena waa inaan isweydiinno sow waajib naguma aha inaan taageerno qoysaskii ay ka tageen saaxiibadeen “ ayuu yiri Garyare, wuxuuna xusay in suxufiyiinta Holland ku dhaqan oo ka mid ah kuwa tiro ahaan ugu badan ee hal waddan ku nool, in baddan oo ka mid ahna ay ka soo wada shaqeeyeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta in lagu ammaani karo sida ay ugu xiran yihiin saaxiibada gudaha dalka ku sugan, oo ay ula xiriiraan shaqsi shaqsi ama koox koox, balse hadda ay doonayaan in iyaga oo isku xiran ay gacan ka geystaan taageerada la siinayo suxufiyiinta, gaar ahaan qoysaskii ay ka tageen suxufiyiintii Muqdisho lagu dilay.
“Waxaan u soo jeedinayaa saaxiibadeey inaan u istaagno sidii aan u caawin laheyn qoysaskii & caruurtii ay ka tageen walaalaheen“ ayuu yiri Garyare.
Tallo soo jeedinta C/weli Garyare waxaa si weyn u soo dhoweeyey suxufiyiintii kulanka ka soo qeybgashay, waxaana markaa kaddib la guda galay dooday ku saabsan sida ugu fudud ee loo waajihi karo talada uu soo jeediyey Garyare.
Waxaa la isku soo qaaday qoddobo dhowr ah, waxaana la dhageystay aragtida ay ka qabaan suxufiyiintii kulanka joogtay oo aaraa´dooda soo bandhigay.
C/maalik Yuusuf oo ka tirsan maamulka Idaacadda Dalmar, wuxuu soo sheegay in saxaafaddu leedahay awood mug weyn oo isbeddel dhinac kasta ah ay ku curin karaan, wuxuuna tilmaamay in horumar kasta oo ay saxaafaddu tiigsaneyso in ay ka horreyso midowga suxufiyiinta dhexdooda ah.
“Waxaan soo jeedinayaa in la joogo xilli suxufiyiintu meel kasta oo ay joogaan ay cod dheer ku diidaan gumaadka maalin kasta loo geysanayo, gumaadka ma ahan mid joogsanaya haddii aysan suxufiyiintu u midoobin, waa in la isweydiiyaa horta maxaa loo dilayaa suxufigu ee uu galabsaday. suxufigu wuxuu u dhimanayaa waxeey tahay maxaad runta u sheegeysaa,C/maalik wuxuu kaloo sheegay in saxaafadda lafteedu leedahay galdaloolo waaweyn, oo wax u dhibaya sumcadeeda, wuxuuna tilmaamay in wadajirka saxaafadu keeni karo in ay dhexdooda isi saxaan, taasina ay wax iman karto marka ay sameystaan guddiyo qabta howlaha kala duwan ee lagama maarmaanka ah.
Saalax Xassan Cumar (Saalax dheere), Cali Muxuddiin & Sayid Cali oo ka mid ahaa suxufiyiintii kulanka ka hadashay waxey muujiyeen in wadajirka suxufiyiintu macno weyn uu sameyn karo marka la fahmo in dalka, wuxuuna Saalax soo jeediyey in labaddii suxufi ee u dambeeyey ee Muqdisho ku geeriyooday (Ibraahim & Timacadde) qoysaskii ay ka tageen taageero loo diro, kaddina la qabto kulamo caalami ah oo ay ka soo qeybalayaan dhammaan hay´adaha caalamiga ah ee saxaafadda, lana furo dooda dilalka & gumaadka suxufiyiinta.
“Xuquuqda ay leeyihiin suxufiyiinta Afrika ma helaan kuwa Soomaalida, sababta ugu weynna waxey tahay qaska & jahwareerka dalka ka jira oo saameyn weyn ku yeeshay saxaafadda“ ayuu yiri Cali Muxuddiin oo ka mid ah suxufiyiintii kula ka hadashay.
Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil (Ilka-dhagax) oo ah Wakiilka Holland ee TV-ga Qaranka wuxuu dhiniciisa dhiirageliyey in kulamada suxufiyiinta la ballaariyo, gaar ahaan kuwa ay dhexooda yeelanayaan, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in kaalinta saxaafaddu ay tahay mid baylah ah oo laga faa´ideysan, isaga oo ugu baaqay suxufiyiinta in ay meel qura ka soo wada jeestaan.
CabdiraxmaanNuur oo ah wakiilka Somalichanel ee Holland ayaa dhankiisa waxaa uusoo jeediyey in la qabto bandhig faneed dhaqaale loogu aruurinayo dhamaan wariyayaashii ku geeriyooday Soomaaliya kuwaasi oo ka tagay qoysas u baahan inay garab ka helaan warbaahinta kale ee Soomaaliya,isagoona baaqiisa u jeediyey wariyayaasha u damqanaya saaxiibada ay waayeen inay taasi badelkeeda ka shaqeeyaan isku gurmadka.
Gabagabadda kulankan ay yeesheen suxufiyiinta waxaa lagu doortay Guddi 4 xubnood ah oo loo xilsaaray in ay dhaqaale ka soo uruuriyaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaaliyeed ee Holland, waxaana lagu balamay in yaboohaasi la gaarsiiyo qoysaskii ay ka tageen suxufiyiinta, waxaana lagu ballamay in la joogteeyo kulamada suxufiyiinta Holland.
Gudiga la doortay ayaa waxaa ay kala yihiin.
Abdishakuur Cilmi Xasan : Guddoomiye
Salax Dheere : Lacag haye
Sayid Ali Caseyr : Xubin
Cali Muxyadiin : Xubin
Salax Dheere : Lacag haye
Sayid Ali Caseyr : Xubin
Cali Muxyadiin : Xubin
Saxafiyiinta oo is taageera ayey uga gudbi karaan dhibaatada hadda gaarka u noqotay ee leh dilka iyo dhaawaca joogtada ah. Waxaana ay farxadgelin doontaa qoysaska ay walaalahaasi wariyayaasha ah ka baxeen oo u arki doona inay wehel heystaan.
- Advertisement -





