Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kulan degdeg uu iminka ka socdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in kulanka looga hadlaayo siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa mar sii horreysay maanta ku soo laabtay Kismaayo, kaddib markii safaro shaqo ay ugu maqnaayeen dalka Kenya.
Magaalada Kismaayo waxaa ku soo qulqulaya siyaasiyiin, wax garad iyo odayaal kuwaasoo doonaya in ay ka qayb qaataan dhammeestirka maamulka KMG ah ee Jubba.
Maamulka Jubba ayaa waxaa tan markii la soo dhisay waxaa la magacaabay Madaxweyne iyo Ku-xigeen oo kaliya.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo aadkeeyay gaar ahaan xarunta Jaamacadda oo ah halka uu ka dhacayo shirka dhammeestirka maamulka Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho