Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose,waxaa ka socda shirar uu garwadeen ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ee maamulka Jubba.
Sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal oo ku sugan xarunta Madaxtooyada Jubba kulanka ayaa looga hadlay siddii loo ballaarin lahaa maamulka Jubba.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhammeestiro maamulka kumeel-gaarka ee Jubba, waxaana la filayaa in loo yeelo seddax madxweyne iyo sidoo kale xubno wasiiro iyo baarlamaan.
Magaalada waxaa ku qulqulaya ergooyinka ka qaybgalaya shirka ee la rabo in soo dhammeestiraan maamulka Axmed Madoobe.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan madaxtooyadda Jubba iyo xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah meesha lagu soo dhisay maamulkan.
Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo Axmed Madoobe oo ku aadan in uu dayacay odayaasha iyo wax garadka soo doortay in uu doonayo in beelaha qaar ee degga Jubbooyinka in uu ka mamnuuco maamulkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo