26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Laba arrin oo khilaaf cusub ka dhalisay dooda mooshinka R/W Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa weli ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, shirka xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo looga dooddayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Shirka oo hadda kulankiisa labaad uu furmay, ayaa waxaa ilaa hadda hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada oo isugu jirra ku taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Waxaa jira khilaaf ah sida laga yeelayo xaalka, maadaama waqtiga gabaabsi yahay, ayada oo la isku heysto in lasii wado hadalka, ama in la joojiyo oo la galo cod qaadista kalsoonida.

Xildhibaannada hadlay waxa ay soo jeediyeen in mooshinka cod loo qaado sidaasna kulanka uu ku soo afmeermo, balse kuwa kale ayaa soo jeediyay in dib loo dhiggo oo mar kale la isku laabto berri.

Kuwa rabo in codka la qaado waa kuwa kasoo horjeeda Saacid, kuwa doonaya in beri la isku soo laabtana waa qolada taageersan

Fadhigga maanta waxaa jooga xildhibaanno lagu sheegay tiradooda ilaa 247-mudane, waxaa shir guddoominaya kulanka guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka wali waa xasaasi waxaana xildhibaannada ka muuqda xiisad iyo in lagu kala baxo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

Saakay markii uu shirka furmay, waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka uu xildhibaannada ka codsaday in uu kulanka kasoo qaybgalo raysal wasaaraha balse waa ay diiddeen.

Wixiii ku soo kordha fadhigga baarlamaanka kala soco shabakadda Caasimada Online oo si toos ah idiinku tabineysa shirka baarlamaanka.

Mahadsanidiin

- Advertisement -

Read more

Local News