25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

FADEEXAD: Xildhibaan ka shifay arrimo badan oo maanta ka dhacay BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay arrin sir oo maanta ka dhacday xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaaan Maxamed Maxamuud Kulalihi ayaa saxaafadda la hadlay markii ay soo dhammaatay cod bixinta loo qaaday xukuumadda Raysal wasaarahja ayuu sheegay in wax yaabo badan ay ka dhaceen oo laga soo abuubulay xafiiska madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

““Waxaa rabaa in aan idiin caddeeyo, annigoo miirkeygu uu dhan yahay, meesha wixii k adhacay waan la soconay dad ayaa shaqeenayay xildhibaannada caddaadis ayaa la saaray, waxaana saaray Damul Jadiid,Caqli ma galeyso wasiir ayaan ahay, raysal wasaarahana waa rideeynaa caddaadisna ima saarno, wasiiradda qaar iyaga ayaa codeeyay,waxaa lagu caddeen karaa, markii uu baarlamaanka furmaayay waxaan ku ahayn 224-xildhibaan markii la gaaray codka dad ayaa guryahooda laga soo kiciyay, waan la soconaa amarka meesha ay ka qabaan waan la soconaa, raysal wasaaraha imaan doona nasiibkiisa ayuu lee yahay” ayuu yiri xildhibaankan.

Hadalka xildhibaan Kulalihi ayaa laga dheehanayaa in uu jiray caddaadis la saaray xildhibaannada qaar isla markaana wasiiradii xukuumadda Sacid ay doonayeen in raysal wasaaraha meesha laga saaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News