Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay.
Wafdiga gaaray Jowhar waxaa hoggaaminay isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee QM, Philippe Lazzarini,waxaana ay halkaas u tageen si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle.
Sida laga sheegayo wafdiga ayaa inta ay joogaan Jowhar waxa ay booqan doonaan dadka ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle, kuwaasoo hadda ku sugan agagaarka garoonka diyaaradaha ee Jowhar oo loogu sameeyay xarun lagu daryeelo dhallaanka iyo hooyada.
Mr. Lazzarini,waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil ka tirsan hay’adaha UNHCR, UN OCHA, UNICEF iyo UNDP sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Jowhar.
Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxda maamulka Gobalka iyo kan magaalada iyo dadka ay saameeyeeyeen Fatahaada Wabiga.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho