25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Loolanka loogu jiro xilka R/Wasaaraha iyo wararkii ugu dambeeyey (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu taagan xilka raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay markii uu wadatashiyo la sameeyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo dad asxaabo ay yihiin in uu isku arkay in uu qaban karo xilkaas oo uu ka tagayo hadda Cabdi Faraax Shirdoon oo dhawaan ay codka kalsoonida kala laabteen xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaan Muuse oo horre ula soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan sida wakaalada Reuters ayaa sheegay in uu warqadiisa codsiga xilkaas uu ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Sheekh Cumar waa xildhibaan ka soo jeeda Gobalka Gedo, wuxuu qayb ka ahaa xildhibaanno u ololeenayay in la rido raysal wasaare Saacid.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa magaalada ka socda kulamo ballaaran oo looga hadlaayo cidda noqon  doonta raysal wasaaraha cusub, waxaana soo badanaya ragga isku soo taagaya xilkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada wadatashiyo ku aadan shakhsiga uu u magacaabayo raysal wasaaraha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News